Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Ergayga gaarka ee Qatar (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Ergayga gaarka ee Qatar (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa galabta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada, Multaq Alqahtani.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in ay Ergayga ka wadahadleen xaaladda guud ee dalka iyo weliba arrimaha doorashooyinka, oo sida uu sheegay ay muhiim tahay in dalka laga qabto doorasho wadar ogol ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa “Waxan maanta la kulmay Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta, Dr. Multaq Alqahtani.

Waxaan ka wadahadalnay xaaladaha dalka iyo arrimaha Doorashooyinka, oo muhiim ay tahay in doorashooyin wada ogol ah ay dhacaan.”

Multaq Alqahtani oo maalintii 3aad booqasho ku jooggo Magaalada Muqdisho ayaa ka wada kulamo leeskugu soo dhaweynayo dhinacyada siyaasadda ee dalka.

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Ergayga gaarka ee Qatar (SAWIRRO)

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR