Madaxweynaha Puntland Deni oo ku wajahan dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ee Maanta ah inay u ambabaxaan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka itoobiya.

Deni ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doonaan Xubno kamid ah golaha Wasiirada Puntland iyo xubno kale, waxaana safarkaan uu ahaa mid maalmihii la soo dhaafay uu u diyaar garoobayay.

Wararka laga helayo safarka Madaxweyne Deni uu ku tegayo Itoobiya ayaa sheegaya inay tahay arrimo la xiriira doorashooyinka 2021-ka, waxaana uu maalmo kaddib uga soo gudbi doonaa wadana Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddo 14 maalmood ka hor booqasho ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, hayeeshee xogo badan aan lag helin kulamadii uu la qaatay madaxda dalkaas.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR