Mahrez oo ku dhashay Faransiiska, xiddigaha isku kooxda soo noqday, kuwa qarammada wadaaga & Saaxiibada uu caawa kulmin doono kulanka Man City & PSG

(Manchester) 04 Maajo 2021. Kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa caawa kulanka lugta labaad ee siddeed dhammaadka Champions League ku wada ciyaari doona Magaalada Manchester ee dalka England.

Kulankii lugta hore ee Semi-final ee lagu ciyaaray Magaalada Paris ayaa waxa ay kooxda reer England ee Man City ku soo adkaatay 2-1, xilli PSG kulankaas kaarka cas laga qaatay, waxaana kooxda reer France ay caawa doonaysaa inay natiijada kulankaasi dhinaca kale u rogto si ay sanadkeedii labaad oo xiriir ah u gaarto Final-ka UEFA Champions League.

Ciyaartan ayaa kulminaysa xiddigo hore isu wajahay iyagoo kooxo kala duwan u ciyaaraya, kuwo hal koox u soo wada ciyaaray iyo kuwo wadaaga qolka labiska ee qarankooda.

Saaxiibada uu kulmin doono kulanka caawa ee Man City iyo PSG halkaan hoose ka eeg:-

>- Pochettino iyo Guardiola ayaa midba midka kale wajahaya markii 19-aad, iyagoo iska hor yimid markii kala wateen Espanyol, Tottenham iyo Paris & Barcelona iyo Man City, macallinka haatan ee Paris ayaana guuleystay kaliya saddex kulan, halka 11 guul uu gaaray tababare Pep Guardiola.

>- Kooxdii Pochettino ee Tottenham ayaa garaacday Naadiga Guardiola ee Man City wareegga siddeed dhammaadka UEFA Champions League ee xilli ciyaareedkii 2018/19, iyagoo kulankii ka dhacay garoonkooda ay Spurs ku adkaatay 1-0, halka kulankii kalena 4-3 ku adkaatay Man City sidaasna Tottenham ayaa goolashii ay dhalisay iyadoo martida ah ku soo gudubtay.

>- Mahrez wuxuu ku dhashay Sarcelles oo ah xaafad ka mid ah Paris, wuxuuna u ciyaaray Kooxda reer France ee Quimper fasal ciyaareedkii 2009/10) iyo kooxda Ligue 2 ee Le Havre oo ah isagoo xirfadle sare ah uu u dheelayey 2010 illaa 2014 ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin England.

Xiddiga ka soo ciyaaray dalka France:-

Benjamin Mendy (Marseille 2013–16, Monaco 2016–17)

Bernardo Silva (Monaco 2015–17)

• Aymeric Laporte waxa uu ku dhashay Agen oo ku taal koonfurta-galbeed Faransiiska, laakiin kaddib markii uu la ciyaaray kooxaha maxaliga ah SU Agen (2000-09) iyo Bayonne (2009/10), waxa uu u dhaqaaqay dalka Spain, isagoo jira 16-sano si uu ula midoobo Kooxda Athletic Club sanadkii 2010.

Xiddiga ka soo ciyaaray dalka England:-

Ángel Di María (Manchester United 2014/15)

Ander Herrera (Manchester United 2014–19)

Idrissa Gueye (Aston Villa 2015/16, Everton 2016–19)

Moise Kean (Everton 2019/20)

Sergio Rico (Fulham loan 2018/19)

• Pochettino ayaa Kyle Walker tababare ugu soo ahaa kooxda Tottenham intii u dhexeysay sanadihii 2014 illaa 2017, markaasoo daafacan uu ku biiray Manchester City.

Ciyaartoyda isku koox u soo wada ciyaaray ee caawa kulankan uu kulmin doono:-

Bernardo Silva, Benjamin Mendy & Kylian Mbappé (Monaco 2016/17)

João Cancelo & Moise Kean (Juventus 2018/19)

• 1-dii bishii Agoosto sanadkii 2020, Danilo oo ka tirsanaa Porto ayaa garaacay Kooxda Benfica oo uu markaas ka mid ahaa Rúben Dias kulan ku dhammaaday 2-1 oo ahaa Final-ka Portuguese Cup, kaasoo ka dhacay Coimbra.

Xiddigaha isku qaranka ah:-

Sergio Agüero & Ángel Di María, Mauro Icardi, Leandro Paredes (Argentina)

Ederson, Gabriel Jesus, Fernandinho & Neymar, Marquinhos, Rafinha (Brazil)

Benjamin Mendy, Aymeric Laporte & Kylian Mbappé, Presnel Kimpembe, Layvin Kurzawa (France)

İlkay Gündoğan & Julian Draxler, Thilo Kehrer (Germany)

Bernardo Silva, João Cancelo, Rúben Dias & Danilo (Portugal)

Eric García, Rodri, Ferran Torres & Ander Herrera, Pablo Sarabia (Spain)

• Mbappé ayaa dhaliyay labo gool markii xulkiisa France uu 4-3 ku garaacay Argentina wareegga 16-ka ee tartankii Koobka Adduunka ee 2018, Agüero isna waxa uu helay mid ka mid ah goolashii uu dhaliyey xulka ka socday Koonfurta Ameerika.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR