Mid Kamid ah Maalqabeennada Dunida oo Xaaskiisa Furaya

WASHIGTON(HALBEEG)-Warbaahinta dunida ayaa si weyn u hadal heysa kala tagga maalqabeenka Bill Gates iyo xaaskiisa Melinda.

Bill Gates ayaa shaaciyay in ay soo afjarayaan guurkooda kaddib 27 sano oo ay wada joogeen.

Lamaanahan caanka ah ayaa bartooda twitter-ka ku sheegay in ay si wadajir ah u go’aansadeen in ay kala tagaan.

1980-meeyadii ayay isbarteen xilligaas oo ay Melinda ku biirtay shirkadda Microsoft ee uu leeyahay Bill.

Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah, si wadajir ah ayayna u maamulaan hay’adda samafalka ee Bill & Melinda Gates oo ah tan ugu weyn dunida.

Waxay sheegeen in ay ka sii wada shaqeyn doonaan hay’adda, balse aysan u muuqanin in ay lamaane sii ahaan karaan.

Wargeyska Forbes ayaa shaaciyay in Bill Gates yahay hadda ninka afaraad ee ugu taajirsan adduunka wuxuuna uu haystaa 124 bilyan oo dollar.

Lammaanahan haatan go’aansaday in ay is furaan ayaa sanadkii 1994-kii ku aqal-galay jasiiradda Lanai ee gobolka Hawaii, iyagoo kireystay dhammaan diyaaradaha helicopter-ka ah ee deegaankaas si ay uga hortagaan in dad aysan casuumin ay dul maraan jasiiradda.

The post Mid Kamid ah Maalqabeennada Dunida oo Xaaskiisa Furaya appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR