Milkiilayaasha Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Kooxda Kadib Mudaharaadyadii Ay Taageeryaashu Sameeyeen.

Mikiilayaasha Kooxda Man United ee The Glazers ayaa diiday in ay iska iibiyaan kooxda inkasta oo ay taageerayaasha kooxdu si weyn uga soo hor jeedaan.

Milkiilayaasha Man United ayaa iska indha tiri doona mudaharaadka taageerayaasha si ay u sii haystaan kooxda sida uu sheegayo wargayska Guadian.

Milkiilayaasha kooxda ayaa xitaa qorshaynaya in ay qiimaha ay ku iibinayaan kooxda kor ugu qaadaan 10 bilyan oo euro si ayna soo bixin koox diyaar u ah in ay iibsato kooxda.

Talaabadan ayaa imanaysa kadib markii ay taageerayaasha Kooxdu jabsadeen Old Trafford waliba sabab u noqdeen in ay baajiyaan kulankii ay Man United la ciyaaraysay Liverpool Axadii.

Laakiin inkasta oo ay jiraan mudaharaadyo xoogan oo ay sameeyeen taageerayaashu hadana Milkiilayaasha kooxda ayaa go’aansaday in ayna iska iibin kooxda wax walba oo dhaca.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR