Raadsan oo guul ka gaartay kooxda Geeska Africa kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 10 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Raadsan ayaa guul ay u qalantay ka gaartay naadiga Geeska Africa kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta Raadsan.

Daqiiqadii 11-aad kooxda Raadsan ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay laacibka lagu magacaabo Brian Mugisha, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Maxamed khaliif.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

71 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Xasan cusmaan ayaa wuxuu ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Raadsan, kaddib markii uu dhameystiray kubad lagu tuuray goolhaye mustf uu soo celiyay .

Daqiiqadii 82-aad kooxda kubadda cagta Raadsan ayaa dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Xasan cusmaan, kaddib kubad uu ku tuuray goosha kooxda Geeska Africa oo ku sii dhacday laacibka lambarka 14-aad Cabdi Xafiid.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0 ay kaga adkaatay Raadsan, kooxda Geeska Africa, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR