RASMI: Kooxda Inter Milan oo xaqiijisay in mid ka mid ah xiddigaheeda uu ku dhacay Korona Fayras

(Milan) 11 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay goordhow in mid ka midah xiddigaheeda uu haleelay caabuqa Korona Fayras.

Inter Milan ayaa ku dhawaaqay in Ashley Young laga helay caabuqa saf mareenka ah ee KOFID 19.

Kooxda Inter ayaa ku dhawaaqday in Ashley Young uu ku dhacay Korona Fayras kaddib baaritaano shalay la sameeyay.

Xiddigii hore ee Kooxda Manchester United ayaa noqonaya ciyaaryahankii lixaad ee ka tirsan kooxda Nerazzuri, kaasoo laga helay Korona Fayras inta lagu guda jiro fasaxa xulalka.

Laacibka reer England ayaa hadda la xaqiijiyey inuu gurigiisa karaantiil ku geli doono.

Yeelkeede, waxaa xusid mudan in kaliya lix maalmood ay ka harsan tahay in la ciyaaro kulanka Milan Derby.

Kooxda Inter Milan ayaa soo dhoweyn doonta AC Milan Sabtida soo aaddan oo ay taariikhdu tahay 17 bishan October 2020.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR