RW Rooble oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada (SAWIRRO)

RW Rooble oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada, oo qodoba dhowra looga hadlay.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee dalka, xanuunka COVID-19 ee fayriska Corona uu keeno, gurmadka abaaraha iyo fatahaadaha.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, iyadoo lagu dhageystay warbixino ku saabsan amniga dalka, caabuqa Covid-19, gurmadka abaaraha & fatahaadaha.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

RW Rooble oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada (SAWIRRO)

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR