Sidee u Qabsannaa Biyaha Roobka (Rainwater Harvesting ) (WQ: Adam Ducaale Cali)

Sidee u Qabsannaa  Biyaha Roobka (Rainwater Harvesting )  (WQ: Adam Ducaale Cali)

 

Sida aynu wada ognahay; biyuhu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah khayraadka dabiiciga ah ee uu Eebbe inoogu deeqay. Waa laf-dhabarta ay ku tiirsan yihiin noolaha oo dhami. Kuma tiirsana oo keliya balse noloshu waa biyo, biyuna waa nolol! Aadamuhu ma jiri karo biyo la’aan, waaba aasaaska nolosha oo kama maarmi karo biyaha, sababtoo ah jidhka aadamuhu 70% waxa uu ka kooban yahay biyo. Si kale, biyuhu waxa ay lama huraan u yihiin qaab dhsmeedka nolosha; waa la cabaa, lagu maydhaa, oo dhirta ayaa la waraabiyaa. Nolosha aadamaha ayaaba ka soo bilaabantay webiga dhinaciisa. Biyaha sidaa loogu soohay nolosha lama huraanka ah waxa inna hurran oo waajib ah in aynu sida u gu wanaagsan u maamulno oo aynaan beerdarrayn deeqdaas Eebbihii abuuray bilaashka inagu siiyey.

Maamulidda biyaha magaalada Hargaysa waxa ka hor yimi caqabado halis ah oo ay sababeen biyo yaraan inna soo wajahday iyo xaalado khatar ah oo ka dhashay isbeddelka cimilo ee dunida soo abbaaray. Biyaha oo marka hore suququl ku ahaa magaalada ayaa waxa sii galaaftay isbeddelka cimilo, taas oo la saadaalinayo in isbeddelkaasi uu sababi karo biyo yaraan hor leh iyo isbeddel ku yimaadda xilli roobaadkii lagu xisaabtimi jiray. Kobaca taranka aadamaha iyo korodhka baaxadda magaalawga (Urbanization) ayaa iyaguna qayb ka ah musiibada biyo yaraanta inna soo wajahday. Qarnigan 21aad dhibicda biyaha ahi qiimo weyn ayey noolayaasha dunida ku abuuran u gu fadhidaa. Haddaba, sidee ayeynu u ga bixi karnaa biyo la’aanta innagu habsatay? Sidee ayeynu uga faa’daysan karnaa biyaha roobka? Ma qabsan karnaa biyaha roobka xilli roobaadka si aynu u isticmaalno xilliyada roob la’aanta (Dry Seasons)?

Maqaalkan waxa aan ka ga hadli doonaa –Haddii Eebbe ogolaado – qaababka aynu u qabsan, katdsan karno biyaha roobka (Rainwater Harvesting System).

Qabashada biyaha roobku (Rainwater Harvesting) waa xirfad la gu qabanayo biyaha roobka ee laamiyada iyo dooxyada magaalada dhex yaacaya si loogu fushado adeega aasaasiga ah; sida cabitaanka, maydhashada iyo waraabsiga beeraha. Xirfaddan (Qabsashada biyaha roobka) waxa ay ku leedahay taariikh dheer nolosha aadamahihii ku noolaa dhulalka qallayl u ekaha ah (Semi-erid areas). Dhisidda dhaamam biyood iyo samaynta kannaallo biyaha la gu keydiyo waxa ay caado u ahayd Dadkii reer Jordan (Jordanians) shan kun oo sanno ka hor, si ay u cabbaan biyahaas dadkii ku noolaa caasimaddii qaddiimiga ahayd ee Jawa. Daraasado la sameeyey ayaa la gu ogaaday in tiro badnaanta dhaamamka la gu kaydiyo biyaha roobku ay kordhin karaan heerka biyaha ku jira dhulka hoostiisa. (Murad et al. 2007).

Kaydinta biyaha roobku waxa ay leedahay taariikh aad u durugsan ilaa ilbaxnimadii Roomaanka muddo ku siman 2000 Ciise hortii. Qabashada biyaha roobka waxa qaaradda Asia la ga isticmaali jiray ilaa qarnigii sagaalaad. Koonfurta beri ee Asia waxa ay biyaha roobka ku qabsan jireen dhaamam dhaqameed ka samaysan loox iyo geedo (Brush Dams). Dunida waddamo badan ayaa caan ku ahaa qabashada biyaha roobka, balse qaaradda Africa waqti dhowaa ayaa la ga hirgeliyey xirfadda qabashada biyaha roobka. (Yazar A, Ali 2016)

Qabashada biyaha roobku waa xirfad muddo badan la adeegsanayey, maantana ah habka ugu muhiimsan ee dunidu u adeegsato cabitaanka biyaha; dad, xoolo iyo beeraba.

Xirfaddan waxa la gu qeexaa: qabashada biyaha dareeraya oogada dhulka si loogu adeegsado waxsoosaar. Biyaha la qabanayaa waa kuwa yaacaya dhulka oogadiisa iyo walxaha oogadooda sida saqafyada guryaha iyo jeex kasta oo biyo mari karaan.

 

Ujeeddada Qabashada Biyaha Roobka (Objectives of RWH)

  1. In la kordhiyo xaddiga biyaha ku kaydsan dhulka.

Qaybo badan oo dunida ka mid ah waxa ay leeyihiin laba xilli: xiiliga roobka (Rainy seasons) iyo xilliga qallaylka (Dry seasons) xilligan rooba ma da’o ama se roob yar ayaa da’a. Sidaa awgeed goobihii kaydka biyuhu way qallalaan sida; wabiyada iyo biyo-xidheenada. Si taas looga hortago waxa la isticmaalaa xirafadda qabashada biyaha roobka si kor loogu qaaddo xiddiga biyaha ee ku jira kaydiyayaasha biyaha (Water Bodies).

  1. Si loo yareeyo daadka iyo carroguurka. 

Kaydinta biyaha roobku waxa ay yaraynaysaa qulqulka biyaha iyo carroguurka ku dhaca oogada dhulka. Qabashada biyaha roobku waxa ay sidoo kale yaraynaysaa dhibaatada daadka kolka uu da’o roob culus.

 

  1. In laga hortago isticmaalka xad-dhaafka ah ee biyaha dhulka hoostiisa ku jira.  

Mar kasta oo ay korodho tirada dadyowgu waa mar kasta oo ay kordhaan dalabka biyuhu. Si loo daboolo baahidaas, waa in la la soo baxo biyaha dhulka hoostiisa ku jira. Taasi waxa ay keeni kartaa in si degdeg ah u yaraadaan biyaha dhulka hoostiisa ku jira (Underground Water)

  1. In dhaqaale inoo kaydsamo.  

In la la soo baxo biyaha ku jira dhulka hoostiisa way ka dhaqaale badan tahay qabashada biyaha roobka. Sidaa awgeed adeegsiga biyaha roobku waxa ay badbaadinayaan dhaqaalaha.

Qaybaha Qabashada Biyaha Roobka (Components of Rainwater Harvesting) 

Qabashada biyaha Roobku waxa uu ka kooban yahay saddex waaxyood oo kala ah:

  1. Catchment Area
  2. Collection and Storage Equipment
  3. Conveyance System

 

 

Sidee u Qabsannaa  Biyaha Roobka (Rainwater Harvesting )  (WQ: Adam Ducaale Cali)

Figure1. Components of a rainwater harvesting system (source:https://slideplayer.com/slide/9100121/).

  1. Walax biyaha qabanaysa (Catchment Area) waa walaxda ay dhibicda roobku si toosa u gu dul dhacayso. Waana halka biyaha la ga qabanayo ee dabadeed la kaydinayo. Walaxdaasi laba qaybood ayeynu u qaybinaynaa;

Figure 2.Rooftop catchment system (source: CTCN site).

  1. Saqaf biyaha qabta (Rooftap Catchment) Waa saqaf kasta oo ay dhismayaashu leeyihiin kaas oo biyaha qabanaya, waana qaabka ugu muhiimsan ee biyaha loo qabto.
  2. Qabashada biyaha oogada dhulka (Land surface catchment) waa qaabka u gu weyn ee biyaha ugu badan loo qabto, maadaama biyo badani ay dhulka oogadiisa qulqulaan. Qaababkan waxa la adeegsadaa beebabka biyaha qaada, biyo-xidheenno iyo taangiyo iyo biyo-kaydiyayaal kale.

Figure 3.Ground catchment system (source: CTCN site).

  1. Qalabka kaydinta (Collection and storage equipment) biyihii laga qabtay saqafka ama oogada dhulka waa in loo diyaariyo Walaxdii ku habboonayd ee lagu kaydin lahaa. Wuxu noqon karaa taangi ama koontiinar

Figure 4.Plastic tanks (Source: Taanka Wikipedia)

  1. Habka Nadiifinta biyaha (Conveyance System) qaabkan waxa lagu nadiifinayaa oo wasakhda lagaga miirayaa biyihii la qabtay ee la kaydiyey. Waxa suuragal ah biyaha roobka in wasakh ay raacdo, kolkaa waa in la nadiifiyaa oo la filtargareeyaa ka hor inta aan la isticmaalin.

 

Figure 8.Conveyance system (source: Newsletter and Technical Publications, UNEP).

Hababka loo sameeyo qabashada biyaha roobka (Methods of Rainwater harvesting) 

  1. Domestic Rainwater Harvesting: 

Qabashada Noocan ah badiyaa biyaha waxa laga qabtaa meelaha saqafyada dhismayaasha. Sidaa awgeed waxa la hubiyaa laba qodob:

  1. Rainwater Storage Capability: ciddaasi in ay leedahay awoodda kaydinta biyaha roobka, gaar ahaa in ay heli karaan walxaha lagu kaydiyo biyaha roobka.
  2. Harvesting Capacity: in ay awood u leeyihiin qabashada biyaha roobka oo ay heli karaan meeshii dhibicdu ku dhacaysay iyo walxdii dhibicdaa qaban lahayd ee gayn lahayd walaxdii la gu kaydinayey.
  3. Rock Surface Catchment System

Habkan meesha biyaha la gu qabanayo waxa la ga samaynayaa dhagax ama sabad si ay biyaha yaacaya oogada dhulka ay ugu shubmaan dhagaxa sida ceel oo kale loo dhisay.

  1. Subsurface Dam and Sand Dam: 

Habkan waa dhaam la ga qodayo dhulka hoostiisa. Sand Dams waa dhaam yar oo la ga samaynayo dhulka korkiisa. Waxa lagu kaydiyaa biyaha ay ciiddu soo tufto.

Dadka Soomaalida ah, xirfadda qabashada biyaha roobku ma aha mid agtooda caan ka ah. Xilli roobaad kasta waxa aynu dayacnaa biyo roobaad aad u badan, xilliyada abaarta ahna waxa ay dadkeennu u madhaaan harraad. Meelaha magaalooyinka ah waa muhiim in aynu qabanno biyaha roobka si ay ugu adeegsanno baahiyaheenna biyood maadaama biyo yaraan ay dunida soo foodsaarayso. Maalin kasta oo Eebbe roobkiisa inoo shuba waxa aynu u daawasho tagnaa sida dalxiisayaasha biyihii roobka oo badda ku darsamaya. Iyada oo ay xilliyadda roobku innagu yaryihiin waxa aynu awood u weynay sidii aynu u qabsan lahayn biyaha dooxyadeenna qulqulaya ee hantidii ummaddu ay ku baaba’day 3e dabadeed badda iskaga darsamay. Maanta waxa aynu markhaati ka nahay biyo la dayacay, berrina harraad ayeynu ka caban doonnaa. Qaylada ayaa isqabsan doonta oo dhibic biyo ah ayeynu lacag ku baryi doonnaa!

Dawladdu, gaar ahaan wasaaradda biyaha, ta beeraha iyo ta deegaanku xil ha iska saaraan oo ummadda ha u qabtaan biyaha roobka ee sanad kasta innaga khasaaraya ee waddooyinkii dumiyey, carradii guuriyey quruxdii magaaladana foolxumeeyey!

Ururrada ka shaqeeya arrimaha deegaanka, dadka ha ku tababaraan qaabkii ay biyaha roobka u qabsan lahaayeen. Shaqadooda ha ku daraan sidii dadka loogu samayn lahaa walxaha lagu qabto biyaha roobka. Reer iyo qof kasta si gaar ah ha u qabto dhibicda saqafka dhismihiisa ku dhacda, yaanu u ogaalinin in ay dhulka ku dhacdo! Majaroorro qabta biyaha ha loo sameeyo dhisma kasta. Taasi waxa innaga caawinaysaa laba arrimood:

  1. In aynu yarayno culayska biyaha ee waddada maraya si aanay waddadu u googo’in oo u burburin,
  2. In aynu yarayno biyaha badan ee magaalada ku soo dareeraya dabadeed waddooyinka halbawlaha ah iyo halka cagtu marayso sida ceelasha u fadhiisanaya.
  3. In ay aynu isticmaalno biyaha roobka ee aynu qabsannay maadaama biyo yaraan ay jirto.

 

By: Adam Duale Ali

Master in Development Studies

Master candidate in Disaster Management

Interested environmental and climate change issue.

Bangladesh-Dhaka

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR