Sideen uga badbaadnaa hab-dhaqanka Xaynta? (WQ: Dr. Cabdikariim D. Xasan)

Adigoo farasmagaalka jooga ayaad cunto u baahatay kadib waxaad aragtay laba makhaayadood oo isku xiga oo midna buuxdo, dad badani dhex tuban yihiin, midna dhowr qof uun dhex joogaan. Teedbaad ku weecan lahayd?

Tusaalahaasi waa tajribo hore loo sameeyay. dad badan waxay doorteen oo ku weecdeen maqaaxida buuxda ee ilaa dibada la tuban yahay. Markii la waydiiyay sababta; waxay ku jawaabeen “garanmayno laakiin malaa way cunto macaantahay, malaa way cunto jabantahay, malaa cuntooyin cusub ayay samaysaa” dadkaasi waxay raaceen uun hugunka iyo tirada badan. Halkii ay maskaxdooda adeegsan lahaayeen oo baadhi lahaayeen laba maqaaxiyood midda cunto jaban ama cunto fiican, waxay isku haleeyeen doorashada aqlabiyada, waxaase gadaal looga sheegay in dadka meesha tuban ay ahaayeen jilayaal lasoo kiraystay oo aan cuntada iyo adeega meherada midna waxba ka ogayn. xogtaasi maxay ka bedeli lahayd adiga go’aankaaga?.

Go’aan qaadasha ka dhalata qofka oo intuu garaadkiisa howl-gab ka dhigo iska daba gala go’aanka kooxda ama aqlabiyada, isagoo aan sabab uu ku qanco haysan, waxa la yidhaa “Herding behaviour”.

Erey bixintan “Herding behaviour” waxay markii hore kusoo baxday daraasadaha ganacsiga, siiba stock market ka. laakiin xiliyadii danbe waxay u gudubtay dhinacyo badan oo nolosha bulshada ah ilaa ay tobankii sano ee ugu danbeeyay aad u gashay daraasadaha baadhayay saamaynta baraha bulshada. Waxa la raadiyay sababaha  qofka ku kalifa in uu ka howl yaraysto ama ka baqo in uu sameeyo sababayn maan gal ah oo ku salaysan aragtidiisa una adeegaysa maslaxadiisa oo uu iska ogolaado go’aanka wadarta xataa hadii uu diidan yahay odoroska mustaqbalka ee go’aan wadareedka.

Sababaha waxa ka mid ah arin lagu tilmaamay “regret aversion bias” dadka neceb in ay isciil kaanbiga ama ka didsan in go’aanadoodu daahfuraan shakhsiyadoodu waxay inta badan iska ilaaliyaan in ay go’aan madaxbanaan oo natiijadiisu dadka u muuqan karto qaataan. Dadkaasi waxay jecel yihiin in ay ku dhuuntaan go’aan wadareedka waliba ay abaabulaan.

Qolo kale ayaa sabab kale soo bandhiga oo yidhi arinku sidaa maahee dad badan in ay go’aan wadareedka ku raacaan waxay ka helaan awood ay kaga baxsadaan mas’uuliyada iyo isla xisaabtanka. Qofku waxa uu taageerayaa go’aan aan canaan toos ahi kaga iman karin, aan daahfurnaan u baahnayn, khasaarihiisu filiqsan yahay taasna waxa loo bixiyay “group-mind theory.” inkastoo qofkaasi lumiyay shakhsiyadiisii, hadana waxa uu dhaafsaday inuu koox ka mid noqdo; waana in aynaan hilmaamin in bani’aadanku yahay noole bulshaawi ah oo ku xasila, kuna fufa wadaraysiga.

Aragti sadexaad ayaa jirta oo isku deyaysa inay fasirto “herding behaviour”. labada qoraa ee Turner iyo Killian ee qoray buuga “the collective behaviour” ayaa waxay keeneen aragti ay u bixiyeen “emergent norms theory” inay tahay sababta ugu muhiimsan ee ay u samaysanto herding behaviour. Waxay aragtida ku bilaabeen “Inta aanay samaysmin kooxo aragti iyo go’aan wadaag ahi, bulshadu way isku dhex daadsan tahay waxaana saameeya hubaal la’aan, iyo nidaam daro” . Iyadoo xaaladaas lagu jiro ayay “Ashkhaas dhiirani aragtidooda kor u cabiraan, isku dayaan inay hilaadiyaan dariiqii la raaci lahaa. hubaal ayay si kalsooni ku dheehan tahay u balan qaadaan. Amintaas ayaa bulshadii u diyaarsanayd cid u jid bixisaa ku soo xoontaa waxaana dhasha hogaan cusub; isla amintaas waxa abuurma herding behaviour. Waxay leeyihiin baahi bulsheed ayaa keentay xayn samaysanka.

Hogaanku waa udub dhexaadka ay ku dabafaysho xayntu. Ufiirso Steve jobs oo abuuray caalam dhan oo maanta aduunka hogaamiya iyo hogaannada bulsho ee gobolkasta dunida furaha bulshda kala wareegaya hogaano daalay oo shax guuray. Inkastoo “herd behaviour” dhaqaalaha iyo maalgashiga ay kusoo baxday, waxay sidoo kale dhex gashay erey-bixinta baraha bulshda. Baraha bulshadu waxay noqdeen kelitalis qarsoon oo aan kooxaysigeeda laga leexan karin. Waxaad u fiirsataa dhaawaca maskaxeed iyo sumcad dilka la gaadhsiiyo qofka isku daya inuu baal maro waxa aqlabiyada mala’awaalka ahi u aragto lama taabtaanka ah.

Waxaad arkaysaa mowduuc baraha bulshada maalmo haysta oo aan laba ruux kulala aragti duwanaan karin. Qofkasta waxa uu isku deyayaa inuu wax ku darsado laakiin wixii la yidhi uunbuu ereyo kale ku odhanayaan; wax badan masoo kordhin karo oo waxaaba laga yaabaa in aanu warba u hayn mawduuca, isla markaana ma awoodo inuu aragti kale ka yeesho, waxa uu ka warwarsan yahay haraatida ku dhici karta haduu aragti-wadareedka xaynta ka leexdo.

Si xayntu u aqbasho, aragtidoodana loo marxabaysiiyo, da’yar badan waxay ku qasabtaa inay fikirkoodaba bedelaan oo hab-fikirka xaynta qaataan; culimada cilmi nafsigu waxay u bixiyaan “social conformity.” Inkastoo “social conformity” ay faa’iidooyin bulsho leedahay, sidoo kale waxay leedahay haliso wiiqikara xirfado qiimo wayn u leh koritaanka garaadka da’yarta iyo hal-abuurnimada. Waxay la dagaalantaa kala duwanaanshaha, u dulqaadasha aragtiyaha kala duwan; waxay daciifisaa isku kalsoonida da’yarta; iyo dood wanaaga. Waxay fursad wayn siisaa “populism” kuwa qaylada dheer ee garaadka qaawan.

Waxa inala gudboon inaan udhug yeelano saamaynta muuqata ee baraha bulshada iyo mustaqbal facan ku ababay kelitalisnimda hab-dhaqanka xaynta.

ckariim2411@gmail.com

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR