Tirada dhimashada Covid-19 ee dalka Baraasiil oo aad u korortay

HALBEEG – Tirada dalka Baraasiil ugu dhimatay feyraska Koroona ayaa gaartay 150,000 oo qof sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaas.

Dalka Baraasiil ayaa noqday dalka labaad ee ugu dhimashada badan cudurka Covid-19 caalamka oo dhan caalamka isagoo kulaalaya Mareykanka, sidoo kale waa dalka Saddexaad dhanka kiisaska marka laga soo tago Mareykanka iyo Hindiya.

Baraasiil ayaa diiwan gelisay in kabadan 5 milyan oo kiisa toddobaadkan gudihiisa.

Madaxweynaha dalkaa ayaa lagu eedeynayaa inuu fududeystay halista caabuqa iyadoo khubarrada cudurrada faafa ay ku eedeeyeen inuu dhegaha ka fureystay talooyinkii ay u gudbiyeen ee ku aaddanaa xakameynta Covid-19.

Baraasiil ayaa ilaa hadda hoggaanka u heysa tirade dhimashada waddamada Koonfur Ameerika, iyadoo gobolka Sao Paulo uu noqday kan ugu dhimashada badan.

Sida laga soo xigtay tiro-koobyada wasaaradda caafimaadka, 150,198 qof oo ku nool Baraasiil ayaa u dhintey cudurka Koroona tan iyo markii dalkaasi laga helay kiiskii ugu horreeyay bishii Maarso 5,082,637 qof ayaa laga heley fayraska guud ahaan dalkaasi.


Post Views:
29

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR