Trump oo Fagaare Kula Hadlay Qaar Kamid ah Taageerayaashiisa

WASHINGTON(HALBEEG)- Madaxweyne Donald Trump ayaa qaar ka mid taageerayaashiisa kula hadlay Aqalka Cad kulankaas oo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee uu madaxweynuhu bulshada kula kulmo tan iyo markii u uu haleelay xanuunka COVID-19.

Siyaasiyiinta dalka Mareykanka ayaa dhaliilay kulanka ka dhacay fagaarahaas oo u ekaa olole doorasho.

Trump ayaa kasoo qeybgalayaashii kulankaas u sheegay in caafimaadkiisu hagaagsanyahay waxaana xusid mudan in Trump uu kal sii horreysay sheegay in uu gabi ahaanba joojiyay daawooyinkii uu kula tacaalayay xanuunka COVID-19.

Aqlaka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaanan wax war ah kasoo saarin xaaladda caafimaad ee madaxweyne Trump tan iyo Khamiistii tagtay.

Dalka Mareykanka oo ka mid ah dalalka uu sida ba’an u saameeyay xanuunka COVID-19 ayaa tirada dadka qaba xanuunka ay haatan Mareydsaan in ka badan 210,000 oo qof.


Post Views:
22

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR