UEFA Oo Xulka Qaranka Ukraine U Sheegtay In Ay Badasho Maaliyadeeda Maalmo Ka Hor Ciyaarista Kulankooda Ugu Horeeya & Sabab Oo La Ogaaday.

UEFA ayaa khamiistii ka dalbatay Ukraine inay isbadal ku sameyso maaliyada ay ugu tala gashay in ay kaga qayb qaadato tartanka Euro 2020 sabab la xidhiidha in lagu Qoray halku dheg siyaasadeed oo dhaliyay mudaaharaadyo ka dhacay Ruushka.

Xiriirka kubada cagta yurub ayaa sheegay in fariinta “Geesiyada Ayaa Guusha Leh” oo ah Qaylo dhaan intii lagu jiray mudaaharaadkii looga soo horjeeday Russia ee 2014 ee ka dhacay Ukraine ee lagu soo bandhigay maaliyada dhexdeeda”ay si cad uga muuqato arimo siyaadadeed.

Dalka Russia ayaa soo dhoweeyay talaabadaas, laakiin xiriirka kubada cagta Ukraine ayaa sheegay inay wadahadal kula jiraan UEFA si ay uga laabtaan go’aankooda.

Xidhiidhka kubada cagta Ukraine ayaa warbixin ku soo saaray “UEFA ayaa horay u ansixisay maaliyada cusub iyo walba wax walba oo ku qoran”.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR