WARBIXIN: Wijnaldum & Saxiixyada Ilaa Haatan La Dhamaystiray Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga.

Inkasta oo uuna suuqa kala iibsiga xagaagu si Rasmi ah u furmin maadama uu kaliya dhawaan dhamaadeen xilli ciyaareedyada kala duwan ee yurub hadana waxa jira koxo haatanba sameeyay saxiixyo cusub.

Kooxaha ayaa awood u leh in ay samayeen saxiixyada xiddigaha ay doonayaan iyaga oo sidoo kale ku dhawaaqi kara saxiixyada marka ay dhamaystiraan.

Waxa jira kooxo haatanba ku dhawaaqay saxiixyada ay doonayeen maadama ay dhamaystireen wax walba oo uu ku kacayay heshiisku halka ay haatan suuqa horay ugu gali doonaan saxiixyada ay doonayaan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa saxiixyada la dhamaystiro inta uu furanyahay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Georginio Wijnaldum -> PSG

Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay kooxda Liverpool.

PSG ayaa xaqiijisay in uu Georginio Wijnaldum qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2024.

Emerson Royal -> Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Emerson Royal kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Real Betis.

Xiddiga Emerson Royal ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Barcelona ilaa xagaaga 2026 isaga oo noqday saxiixii 3-aad ee ay kooxda Barcelona samaysay suuqa xagaaga.

Eric Garcia -> Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Daafaca ka ciyaara ee Eric Garcia kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay kooxda Man City.

Barcelona ayaa Eric Garcia ka saxiixatay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ilaa xagaaa 2026 isaga oo noqday saxiixii 2-aad ee ay samayso kooxda Barcelona.

Sergio Aguero -> Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sergio Aguero kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay kooxda Man City.

Xiddiga 32 jirka ah oo 33 jir noqon doona bisha June ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2023 waxana heshiiskiisa lagu xidhay lacag dhan 100 milyan oo lagu bur-burin karo.

David Alaba -> Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa David Alaba oo ay si xor ah ugala soo wareegeen kooxda Bayern Munich.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Real Madrid waxana uu noqon doonaa xiddig Real Madrid ah 30 bisha June marka uu dhoco heshiiskiisa Bayern munich

Ibrahima Konate -> Liverpool:

Kooxda Liverpool ayaa daafaca Ibrahima Konate ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga waxana ay kala soo wareegtay kooxda RB Leipzig iyaga oo bixiyay lacagta lagu bur-burinayay heshiiska xiddiga.

Liverpool ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddiga 22 jirka ah qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah sidaasna ku noqday saxiixii ugu horeeyay ee suuqa xagaagan

Omar Richards -> Bayern Munich:

Kooxda Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday saxiixa daafaca garabka Bidix ee Omar Richards kaas oo ay kala soo saxiixatay kooxda Reading kadib markii uu dhacay heshiiskiisa uu kula jiray kooxda.

Bayern Munich ayaa Omar Richards ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaaga waxana uu xiddiga 23 jirka ah qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2026 ah.

Mike Maignan -> Ac Milan:

Kooxda Ac Milan ayaa la soo saxiixatay Goolhayaha Mike Maignan kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Lille ee ku guulaystay horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan.

Goolhaye Mike Maignan ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2026 ah waxana uu noqon doonaa badalka tooska ah ee Gianluigi Donnarumma kaas oo isaga tagi doona kooxda xagaagan.

Ac Milan ayaa Goolhaye Mike ka soo bixisay lacag dhan 15 milyan oo euro waxana ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR