Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay 35 hablood oo ku eedaysnaa in ay qaateen calanka Soomaaliya 26kii June

Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay 35 hablood oo ku eedaysnaa in ay qaateen calanka Soomaaliya 26kii June

Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xabsiga ka sii daysay 35 hablood oo ku eedaysnaa in ay muujiyeen calanka buluugga ah ee astaanta u ah Soomaaliya 26kii June. Sidaa waxa goor dhawayd baahiyey weriye Khaalid Foodhaadhi.

Hablahan ayaa la qabtay 26kii June kadib markii ay qaateen kuna dabaal dageen calanka Somaliya iyaga oo jooga Boorama isla markaa ay iska qaadeen sawiro muuqaallana iska duubeen.

Xukuumadda Somaliland ayaa had iyo jeer xabsiga u taxaabta cid kasta oo lagu arko astaamaha Soomaaliya.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay 35 hablood oo ku eedaysnaa in ay qaateen calanka Soomaaliya 26kii June

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR