Yaab! Xiddigaha Barcelona Oo Durba U Sii Dabaal Dagay Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga Iyaga Oo Aan Xitaa Ku Guulaysan Horyaalka.

Xiddigaha Kooxda Barcelona ayaa maqlay iyaga oo u dabaal dagaya koobka horyaalka La Liga xitaa iyaga oo aan ku guulaysan xilli ay ku kulmeen Guriga Lionel Messi.

Kabtanka kooxda Barcelona ayaa xiddigaha ay isku kooxda yihiin ku marti qaaday Gurigiisa Isniintii Fiidnimadii ka hor kulamada adag ee bisha May ee horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari doonta Sabtida kooxda Atletico madrid kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou kulan go’aamin kara horyaalka La Liga.

Waxa la maqlay xiddigaha kooxda Barcelona oo ku heesaya “Champions, champions!” taas oo inta badan ah mid ay sameeyaan kooxdu marka ay u dabaal dagayso ku guulaysiga koobabka.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR